Allbanaadir.com
NEWS

IGAD oo ku baaqay faragelin degdeg ah oo looga hortagayo musiibo ka dhacda Badda Cas

Urur Goboleedka IGAD ayaa ka hadlay musiibo laga cabsi qabo in ay ka dhacdo badda cas iyo gacanka cadmeed, kaddib markii markab siday kiimiko uu ku quusay badda kuna daadatay kimikkadaasi gunta hoose ee badda.

Qoraal kasoo baxay urur goboleedka IGAD ayaana walaac xooggan looga muujiyay saameynta ka dhalan karta kiimikadan badda ku daadatay, waxa ayna sheegeen in loo baahan yahay in si deg deg loo qaado tallaabooyin kahor tag ah.

Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ayaana laga cabsi qabaa in musiibadan ku habsato ,kaddib markii uu xeebaha Yeman ku degey markab la yiraa Rubymar oo sidey in ka badan 12,000 oo metric tonnes oo kiimikada beeraha lagu bacrimiyo ee ammonium phosphate ah ,taas oo u dhiganta 22 oo tan oo shidaal ah in in badda lagu qubay.

Ururka IGAD  waxay ka digtey in kiimikada biyaha ku milantay ay halis gelineyso noolaha badda ku jira, waxayna babi’in kartaa dhirta iyo balbalooyinka badda gunteeda ku waaban ee daaqsinka iyo gabaadka u ah nafleya badda ku nool.

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallama dalka Yemen ayaana lagu eedeeyay in iyagu sabab u ahaayeen markabka kiimikada siday ee ku quusay badda cas, kaddib markii kooxda markabkaasi ku weerareen gantaalo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shiikh Kenyaawi oo ka qeyb galay Xaflad ay lahaayeen Xisbiga UPD (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xal laga gaaray cabashada Shaqaalaha garoonka Aadan Cadde (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Amiirad Basma Bint Sa’ud oo mudo dheer kadib xabsi laga sii daayay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---