Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Biden oo shaaciyey in ciidamada Mareykanka ay deked KMG ah ka dhisayaan xeebaha Gaza

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xalay jeediyey khudbaddii sannadlaha ahayd ee madaxweynayaasha Maraykanku ay u jeediyaan Labada Aqal ee Kongareska ee Sanatka iyo Aqalka Hoose ee wakiillada.

Joe Biden ayaa jeediyey khudbad uu kaga hadlay siyaasadda arrimaha dibedda iyo gudaha, waana khudbaddiisii 3-aad ee noocan ahayd tan iyo inyii uu xilka la wareegay January 2020-kii.

Waxa uu sheegay in xornimada iyo dimqoraadiyadda ay halis waajahayso gudaha iyo debedda Maraykankaba.

Waxa uu sheegay inuusan oggolaan doonin la baab’iyo barnaamijkii caafimaadka Obama Care, inuu maalgelinayo tacliinta, oo uu kordhinayo mushaharka macalimiinta, isla markaana uu doonayo inuu dhimo daynta lagu leeyahay dawladda dhexe, uuna taageersan yahay hannaan canshuur-qaadis oo caddaalad ah oo aan canshuur-dhaaf xaq-darro ah u samaynin inta qaniga ah.

Madaxweyne Biden ayaa ku dhowaaqay qorshe ay milaatriga Maraykanku doonayaan inay deked ku meelgaar ah kaga dhisaan xeebta Gaza ee badda Midatareeniyaanka si looga dejiyo sahay gargaar.

Waxa uu sheegay inaan ciidamo Maraykanka ah oo halkaas fadhi ku yeelanayn. Waxa u sheegay in in dekedda ku meelgaarka ka ah ay kordhin doonto gargaarka galaya Gaza. Waxa uu sheegay in Israel looga baahan yahay doorkeeda inay ciyaarto.

Related posts

Yuusuf Dabageed iyo Guddoomiyaha cusub ee Hiiraan oo Odayaal la kulmay (Sawirro)

Cabdi Cade

Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday magaalo kutaalla dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Isbitaalka Xaawo Cabdi oo xusey Sannad Guuradii 47-aad  ee Aas-Aaaskii Isbitaalka

Cabdi Cade
Taboola Ads ---