Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Axmed Madoobe oo ka hadlay geeri ku timid oday dhaqameed caan ah

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee Suldaankii guud ee beesha Jareer weyne suldaan Haarun Xaaji Khamiis.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu suldaanku ahaa samo katalis qeyb weyn ku lahaa nabadaynta iyo midnimada bulshada isagoo xusay in uu wakhtigiisa oo dhan ku bixin jiray walaalaynta ummadda iyo wadajirkooda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa geerida ku timid marxuum suldaan Haarun Xaaji Khamiis oo ku geeriyooday Magaalada Kismaayo uga tacsiyeyay Guud ahaan Ummada Soomaaliyeed, Shacabka Jubaland, eheladii iyo qoyskii uu ka geeriyooday,

Marxuumaka ayuu Allah uga baryey in uu jannatul firdoowsa geeyo, isagoona geerida uga tacsiyeeyay  qoyskii uu Suldaanku ka baxay.

Related posts

Kenya Airways oo shaacisay xiliga ay duulimaadyada caalamiga ah ka bilaabeyso Muqdisho

Caydiid Ali

Madaxweyne Biixi oo Daah-furay Shirweynaha Dhaqaalaha Islaamiga ah ee Afrika (Sawirro)

Cabdi Cade

Maxkamadda sare oo xukun ku riday Sargaal dil u geestay Sargaal kale

Cabdi Cade
Taboola Ads ---