Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Shacabka Somalia oo amar culus dul dhigay Wasiirka Gaadiidka Duulista hawada DF

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 15-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xubanaha Guddiga Joogta ah ee Golaha Shacabka oo ka dooday dhacadadii ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cade), ayaa waxaa uu Guddoomiyaha Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdullaahi Geel-qaad xubnaha guddiga uga warbixiyay dhacdadii labadii maalin ee la soo dhaafay ay shacab badan ku xayirnaayeen garoonka saacado badan sababo aan sharciga waafaqsaneen.

Xubanaha guddiga ayaa ugu horeyn wax laga xumaado ku tilmaamay dhacdadaas lagu dhibaateeyay shacabkii u safraayey gobolada dalka, waxaana ay xubanaha Guddiga u yeereen Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka Duulista hawada iyo garoommada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Fardowsa Cigaal kulan su’aalo oraaheed ah si waafaqsan Qodobka 63-aad  ee Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, si su’aalo loogu weeydiiyo waxa sababay in shacabka u safraya gobolada dalka gudihiisa ah lagu dhibaateeyo socdaalkooda, dadkaas oo ay ku jiraan, dad waayeel ah, caruur iyo dad xanuunsan.

Related posts

Akhriso) War-Murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Madasha Iskaashiga Somalia & Beesha Caalamka

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar Culus ku qaaday Balcad iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Doorashadii Xubnaha Golaha shacabka ee ka socotay Ceelwaaq oo lagu kala baxay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---