Allbanaadir.com
NEWS

Kumandoska Danab oo wacdaro ka dhigay dhoolatus caalami ah oo Kenya ka dhacay (Sawirro)

Ciidan ka tirsan Kumaandoska Soomaaliya ee Danab ayaa ka qayb-galay dhoolatus ciidan oo Maraykanku hoggaaminayey kaasoo loogu magac daray “Justified Accord” isla markaana socday 11 cisho.

Waxaa dhoolatuskan uu ka dhacay dalka Kenya ayaa la isu keenay 1,000 askari iyo cutubyo ka kala duwan oo ciidan oo ka socday 23 waddan.

Dhoolatuskan uu hogaaminayo Taliska Mareykanka ee Afrika, loogana dan leeyahay in lagu xoojiyo nabadda gobolka, amniga, iyo awoodaha gargaarka bini’aadantinimo ee Bariga Afrika.

Mareykanka ayaa sheegay in dhoolatuskan oo dhinacyo badan lahaa uu hoosta ka xariiqayay sida qotoda dheer ee ay uga go’an tahay nabad ilaalinta, wax ka qabashada xasaradaha, iyo kobcinta iskaashi waara oo lala yeesho ciidamada militariga ee gobolka.

Waxaa sanad kasta ka qeyb qaata dhoolatuskan in ka badan 1,000 askari oo ka kala socda in ka badan 20 dal isagoo  ka koobnaa qeybo kala duwan oo tababar ah, oo ay ku jiraan tababarka goobta, layliga dab-damiska, hawlgallada badda, iyo tababarrada hawlgallada gaarka ah.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madaxweyne Trump oo xayiraad dhinaca Socdaalka kusoo rogaya afar dal oo Afrikan ah

Cabdi Cade

Wasiir Cawad oo ka Jawaabay Hadalkii kasoo yeeray Wasiir Monica Juma

Cabdi Cade

Gabar Soomaaliyeed oo u dhaw inay kamid noqoto Aqalka Senate-ka ee gobolka Minnesota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---