Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka NISA oo gacanta ku dhigay shabakad ka tirsan Al-shabaab (Sawirro)

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay Shabakad ka tirsan al shabaab kuwaas oo ku howlanaa abaabulka qaraxyo iyo weeraro

War ka soo baxay Ciidanka NISA ayaa lagu sheegay in ka dib xogta shacabka ay ka heleen ay xubnaha shabakadaan ka soo kala qabteen degmada Dharkenley iyo degaanka Ceelasha Biyaha

NISA ayaa xustay in markii la soo qabanayey ay gacanta kula jireen abaabulka iyo diyaarinta falal amni daro.

Xubnahan ayaa hadda waxay laamaha amniga ku hayaan baaritaano dheer ah sida lagu sheegay warka ka soo baxay NISA oo ay baahisay warbaahinta DF.

Related posts

Xaalad deg deg ah oo looga dhawaaqay Magaalada New York iyo sababta ka dambeysa

Caydiid Ali

Xabaalo Wadareed lagu aasay Ciidamo sanado badan kahor la laayay oo la helay

Cabdi Cade

Kaniisad kutaala Barlin oo loo ogolaaday in Muslimiinta ku dukadaan Salaada Ciida (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---