Allbanaadir.com
NEWS

Xuutiyiinta oo weerar dhimasho geystay ku qaaday markab laga leeyahay Mareykanka

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen.

“Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka

“Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.”

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhiga dalka Ireland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wax loo maleenayo in ay yihiin Drone ama gantaal oo kusoo dhacay degmada Taleex

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta u baxaya safar dalka dibaddiisa ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---