Wasiirka Maaliyadda XFS oo Magaalada Nairobi kulamo gaar gaar ah kula yeeshaday Masuuliyiinta Dalalka iyo Bangiyada Caalamiga ah ee taageera Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi oo uu uga qeyb galayo shirka horumarinta Maaliyadda ee IMF iyo Dowladda Soomaaliya ayaa maanta kulamo doceedyo mühim ah oo gaar gaar ah la kala qaatay madaxda Ururada iyo Bangiyada taageerada Dowladda Soomaaliya sida Wakiilka Midowga Yurub, Wakiilka Bangiga Adduunka iyo Madaxda Bangiga Horumarinta Afrika.
Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaliya Karin Johansson iyo Wasiirka Maaliyadda XFS Hon. Biixi Imaan Cige ayaa ka wada hadlay taageerada miisaniyadeed ee dalalka midowga yurub ay siiyaan Dowladda Soomaaliya iyo qorshe yaasha lagu horumarinayo sare u qaadidda dakhliga dalka. Ururka Midowga yurub waxa ay ka mid yihiin Saaxibada joogtada ah ee garab taagan Dowladda Soomaaliya.
Kulanka Bangiga Adduunka oo ay goobjoog ahaayeen saraakiisa sare ee xafiiska Soomaaliya oo ay hoggaaminaysay Ms. Kristina Svensson oo ah wakiilka Sooomaaliya ee Bangiga ayaa waxay Wasiirka Maaliyadda ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin taageeridda iyo horumarinta ganacsiyada gaarka loo lee yahay, taasoo qeyb ka noqonaysa kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya.
Madaxda iyo saraakiisha sare Bangiga Horumarinta Afrika Xafiiska maamula dalalka geeska Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto ayaa kulanka ay la yeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS waxa ay uga wada hadleen Mashaariicda horumarineed ee uu Bangigu ka fuliyo Soomaaliya kuwaasoo ay ku jiraan kuwo dib-u-dhis ah iyo kuwo dib-u-haneynta Maaliyadda ah.
Kulamadaan ayaa dhammaantood waxay daarnaayeen horumarinta, dib-u-habenta iyo hufnaanta Maaliyadda Soomaaliya oo hadda Wasaaraddu ay ku howlan tahay sidii loo gaari lahaa islu filnaan dhaqaale iyadoo la xoojinayo wax soo saarka gudaha iyo kobaca dakhliga Dowladda.