Qoyska Luul C/casiis oo ah hooyo Soomaaliyeed oo dhowaan lagu gubay magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey iney go’aansadeen aaska gabadhooda oo muddo ku dhow bil ku jirta qaboojiye.
Talaabadan ayaa ku soo beegantay xili maanta Maxkamada gobolka Banaadir ay xukun dil ah ku riday eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo lagu helay inuu si bareer ah u gubay Luul oo xaaskiisa aheyd.
Qoyska gabadha ayaa horey u sheegay ineysan aasi doonin ilaa gabadhooda ay ka hesho cadaalad.
Aabe C/casiis oo ah Luul aabaheed oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney go’aansadeen iney aasaan meydka gabadhiisa maadaama maalmo la kadib la guda galayo bisha Ramadaan, isla markaana ay cadaalad heshay ka dib markii dil lagu xukumay seygeeda oo lagu eedeynayo dilkeeda.
Waxaa uu sheegay in maalinta Jimcaha ee soo aadan meydka Luul C/casiis lagu aasayo degaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho, meydkeedana laga qaadi doono Isbitaalka Erdogan oo sidoo kale janaaso lagula tukan doono.
Qoyska ayaa u mahad celiyey dhamaan intii u soo gurmatay, kana shaqeysay iney cadaalad hesho gabadhiisa, gaar ahaan madaxda dowlada iyo qeybaha bulshada ee ka damqaday falka arxan darada ah ee lagu dilay Luul.
HOOS KA DAAWO HADALKA EHELADA