Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaale oo dhagax dhigay laami aan loogu talo gelin shacabka Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa dhagax-dhigay Dhismaha Wadada Laamiga cusub ee Dalxoreeye, kaasoo  isku xireya Laamiga 21 October ee Degmada Waaberi iyo Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, isla markaana dhexmarta Wadada hada loo yaqaano Jaay-ga.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in talaabo laga qaadi doonno dhismooyinka ku soo xad-gudbay wadadan, maadaama dhismaha wadadaan loo qorsheeyay in ay noqoto mid labo dhinac ah, iyadoo muhiim u ah isku socodka iyo isku xirka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde iyo Magaalada inteeda kale.

Munaasabadda Dhagax-dhiga wadadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Agaasimaha Guud ee Howlaha Guud, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Injineero iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.

Wadadan Jaayga loo yaqaano ee laamiga la saarayo ayaa waddo aysan isticmaalin shacabka caadiga ah ee Muqdisho, waxaana ku go’an bar kontrol oo kaliya ay ka gudbaan madaxda dowlada, saraakiisha, iyo dadka dowlada u shaqeeya, iyadoo jidkan uu ku yaallo dhul la boobay oo loogu talo galay in lagu balaariyo garoonka Aadan cadde kaasoo si sharci daro ah loo siiyey shaqsiyaad ganacsato ah iyo madax kala duwan oo  daaro waaweyn ka dhistay.

Related posts

(Sawirro) Dad fara badan oo ku le’day Magaalada Nawabshah ka dib markii..

Caydiid Ali

Maxkamada G/Banaadir oo xukun ku riday Masuul ku eedeysan..

Caydiid Ali

DF oo Switzerland ka codsatay in Kaalamada bani’aadannimo si toos ah u siiso (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---