Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Meta oo War ka soo saartay ciladii caawa qabsatay bogaga Facebook & Instagram

Meta ayaa sheegtay in ay xalisay “arrin farsamo” taasoo sababtay in Facebook, Messenger iyo Instagram ay hoos u dhacaan inkastoo ay hadda hawada ku soo laabteen.

Boqolaal kun oo isticmaaleyaal adduunka oo dhan ah ayaa awoodi waayey in ay galaan ku dhawaad laba saacadood caawa.

Dadka isku dayaya in ay galaan mareegaha iyo apps-ka waxay helayeen farriimo khalad ah mana awoodin in ay wax ku daabacaan sidii caadiga ahayd.

Meta ayaa sidoo kale raaligelin ka bixisay dadkii ay waxyeeladu soo gaartay, iyadoo sheegtay in ay xalisay dhibaatada sida ugu dhaqsaha badan ee ay awooddo.

“Waan ka warqabnaa arrin saameynaysa Galitaanka Facebook. Kooxahayada injineernimada waxay si firfircoon u eegayaan si ay u xalliyaan arrinta sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah, “bog ay Meta leedahay ayaa sidaas lagu yiri.

Dhinaca kale, Wakaalada AP (Associated Press) ayaa sheegtay in sadax kamid ah xarkaha isgaarsiinta ee mara Badda Cas kala go’ ku yimid kuwaasoo isku xirayay Internetka Africa-Asia-Europa waxayna arintaas saameyn balaaran ku yeelatay Facebook iyo Instagram.

Wakaalada oo xiganeysa sadax masuul oo aysan magacaabin ayaa sheegtay in sadax kamid ah xarkahaan internetka caalamka isku xira ay kala go’een, balse wakaalada ma sheegin cida masuulka ka ah arintaan.

Kala go’a ku yimid xarkaha internetka qaarkood ayaa saameeyn ku yeeshay inuu joogsado 25% xogaha isgaarsiinta caalamka isugu kala gudbi jirtay, dhibaatada ugu wayn ayaana waxaa wajahay Facebook iyo Instagram ayadoo shirkada Meta oo ay labadaan barood qaybta ka yihiin sheegtay in arinta baaris ku sameyn doonto. Shirkada Meta ayaana waxaa saacadii lasoo dhafay gaaray 50,000 oo cabasho.

Waxaa la ogsoonyahay in kooxda Xuutiyiinta horay ugu hanjabeen hadaanan la joojinin gumaadka lagu hayo shacabka Falastiin in ay jari doonaan isu socodka Internetka caalamka oo badankiisa maro Badda Cas halkaasoo Xuutiyiinta awood balaaran ku leeyihiin. Warar goor dambe soo baxaya ayaase dhankooda sheegaya in Xuutiyiinta arintaas beeniyeen, kaliyana ay beegsan doonaan Maraakiibta u adeegta Israaiil.

Si kastaba ha ahaatee dalalka dhaca Khaliijka iyo Hindiya ayay saameynta ugu balaaran ee arinkaan ku yeelatay, xarkaha go’ay ayayna dib u hagaajintooda qaadan doontaa mudo 8 todobaad una dhiganta 2 bilood.

Related posts

Jadwalka iyo habraaca doorashada kursiga HOP039 oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Musharaxiin iyo ergooyin ku qulqulaya Dhuusamareeb & amniga oo la xoojiyey

Caydiid Ali

Pence & saaxiibkiis hore Trump oo isku dhacay “Qoyskeyga ayuu helis geliyey”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---