Waxaan la ogayn halka uu ku sugan yahay ra’iisul wasaaraha Haiti Ariel Henry Isniintii, saddex maalmood ka dib markii uu Kenya ku saxiixay heshiis laba geesood ah oo loogu gogol xaarayo in la helo ciidamo caalami ah oo suurtagal ah si ay gacan uga geystaan soo celinta ammaanka waddanka qalalaasaha halakiyeen ee Caribbean-ka.
Dalka Haiti ayaa waxaa ku jira xaalad degdeg ah kadib markii kooxaha burcadda ah ee dalkaasi ay kumanaan qof ka soo daayeen xabsiyada ugu waaweyn dalkaasi.
Waxaa la sheegay in ay u midoobayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen Ra’iisal wasaaraha Haiti Ariel Henry oo aan weli dalka dib ugu soo laaban tan iyo markii uu u safray Kenya todobaadkii hore. si ay uga wada hadlaan heshiis ku saabsan in ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo gaaraya 1,000 boolis Kenya ah la keeno jasiiradda.