Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Soomaali kasoo laabatay dalka Eritrea oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Daawo Sawirada)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay qaxooti Soomaaliyeed oo sanado badan kunoolaa dalka Eritrea, kuwaa oo doortay in dalkooda hooyo dib loogu celiyo si ay ugu noolaadaan.

Xildhibaano iyo Wasiiro katirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay qaxootigan Soomaaliyeed oo tiradoodu gaareyso 56-ruux oo isugu jira dhalinyaro, haween , caruur iyo dad da’ ah.

Dadkan Soomaaliyeed ee Muqdisho kusoo laabtay ayaa kunoolaa dalka Eritrea balse uga sii gudbay dalka Sudan oo dowlada Soomaaliya safaarad ku leedahay si loo fududeeyo in dalkooda hooyo dib ugu soo laabtaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa fududeesay in dalka dib ugu soo laabtaan qaxooti Soomaaliyeed oo kunoolaa dalka dibadiisa kuwaa oo dhibaatooyin badan heesteen, waxaana dadka dalkooda kusoo laabtay ka muuqatay dareen farxadeed iyo hamuun ay dalkooda u qabaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Weerar toorey loo adeegsaday oo ka dhacay bartamaha magaalada London (Sawirro)

Caydiid Ali

Sargaal kasoo goostay Al Shabaab oo isku soo dhiibay Ciidanka dowlada (Akhriso Magaciisa)

Cabdi Cade

Afar nin oo Shiinees ah oo laga tarxiilayo dalka Kenya iyo Sababta keentay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---