Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Shabeellaha Dhexe Axmed Meyre Makaraan.
Cali Guudlaawe ayaa isla xilkaas u mahacaabay Maxamuud Maxamed Nuur (Masdile)
Axmed Meyre Makaraan oo ahaa Gudoomiyihii ugu waqtiga dheeraa ee gobolka Sh/dhexe ayaa xilkaas hayay tan iyo sanadkii 2016 xilligaasoo Cali Guudlaawe uu ahaa Madaxweyne kuxigeenka Hirshabelle.
Hoos ka akhriso wareegtada xil ka qaadista oo aan lagu xusin sababta talaabadan ka dambeysay.