Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Xamse Barre oo shaaciyey hal arrin oo ay ka rajeynayaan dhigiisa Abiy Ahmed

Ra’iisul Wasaaraha XFS , Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in ay rajo ka qabaan in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay hoggaanka Maamulka Soomaaliland, wuxuuna xusay in ay danaynayso Soomaaliya nabad ku wada noolaasho.

Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlayay madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee maxadka cilmi barista Heritage ayaa intaa ku daray in ka dowlad ahaan marnaba aysan aqbalayn in lagu xad gudbo madax bannaanida Soomaaiya.

Ra’iisul wasaare Xamse” Wali waxaan rajo ka qabnaa in Ethiopia ay ka noqo doonto MOU ga aan sharciga ahayn, anaga waxaa naga go’an in dariskeena aan kula noolaano Nabad laakiin ma aqbaleyno ku xadgudubka Madaxbanaanideena”.

Mudane Xamsa Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ku dheeraaday caqabadaha gobolka ka jira oo ay ka mid yihiin dhibaatooyinka kooxha argagixisada, abaaraha, daadadka, taas oo ay kusoo biirtay damac shisheeye, taas oo looga bixi karo heshiis bulsho iyo xoojinta dowladnimada.

Related posts

Madaxweyne dal Carbeed oo shuruud ku xiray inuu la kulmo dhigiisa Erdogan

Caydiid Ali

(Akhriso) Qaar ka mid ah Madaxda beri ka qeyb galeysa Xaflada Caleema saarka

Caydiid Ali

Maxaa sababay go’aanka Maamulka Gedo ku diiday gudiga uu Rooble Magacaabay?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---