Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta degmada Buur Hakaba ee gobolka Baay kusoo bandhigay labo dagaalyahan oo la sheegay in ay kasoo goosteen kooxda Al Shabaab oo ay horey uga tirsanaayeen.
Ragan kasoo goostay Al Shabaab oo watay qoryahooda ayaa xiriir lasoo sameeyay maamulka Degmada Buur Hakaba sida ay xaqiijiyeen masuuliyin katirsan maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulka Degmada Buur Hakaba ayaa ragan maanta usoo bandhigay Warbaahinta, waxaana magacyada labadan nin ee Shabaab kasoo goostay lagu kala sheegay Cusmaan Cabdi Xasan iyo Cali Uunsow Maxamed.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaalia ayaa dhawaan sheegay in ay isku soo dhiibeen dagaalyahano iyo saraakiil katirsanaa kooxda Al Shabaab, waxaana xubnahaasi la geeyay magaalada Baydhabo oo xarun u ah maamulka Konfur Galbeed.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com