Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Booliiska oo gacanta ku dhigay Eedeysane Cali Khaliif oo maanta dil geestay

Ciidamada booliiska qeybta gobolka Mudug ee maamulka Puntland ayaa gacanta kusoo dhigay nin lagu eedeeyay in saakay qof shacab ah ku dilay deegaanka Daarusalaam ee katirsan gobolka Mudug.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Feysal Sheekh Cali ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay in ciidamada ammaanka soo qabteen eedeysane Cali Khaliif Xirsi oo saakay dilay nin lagu magacaabayay Maxamed Arbaco.

Guddoomiye Feysal ayaa uga mahadceliyay ciidamada ammaanka iyo dadkii kale ee gacanta ka geestay soo qabashada ninka eedeysanaha ee dilka geestay, kaa oo hadda xabsiga ku jira kuna socdaan baaritaanno.

Laamaha ammaanka ee gacanta ku haya ninka dilka geestay ayaa sheegay in si dhaqso ah u horgeyn doonaan caddaaladda si loo marsiiyo ninkan ciqaabta dilka uu maanta u geestay nin la sheegay in ay isku dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) Axmed Madoobe oo Kismaayo ka daahfuray Wakaalad cusub

Caydiid Ali

Cabdirashiid Janan oo dalka Dibadiisa lagu arkay iyo Wasiir katirsan Dowlada oo la socda

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo saaka kusii jeeda Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---