Allbanaadir.com
NEWS

General Abdel Fattah Al-Burhan oo hal shardi ku xiray Wadahadal nabadeed uu galo

Hogaamiyaha militariga dalka Sudan, General Abdel Fattah al-Burhan ayaa shuruud ku xiray wadahadal nabadeed oo lagu dhameenayo colaada ka aloosan dalkaasi ee u dhaxeysa ciidanka milatariga iyo kuwa gurmadka deg degga.

Al Burhaan ayaa sheegay in kaliya uu tixgelin doono soo jeedinta Midowga Afrika ee ah in colaadda lagu dhameeyo wadahadal nabadeed, haddii Midowga Afrika uu dib u soo celiyo xubinnimadiisa oo buuxda.

Saraakiil katirsan Midowga Afrika ayaana kulan gaar ah la qaatay hoggaamiyaha Milatariga Sudan , waxa ayna saraakiisha kala hadleen Jeneraalka sidii xal nabadeed loogu soo afjari lahaa colaada ka aloosan dalka Sudan.

Shuruudan uu wadahadalka nabadeed ku xiray hoggaamiyaha dalka Sudan ayaa imaaneysa xilli horey Ururka Midowga Afrika u hakiyay xubinimada Suudaan, kaddib markii militariga uu la wareegay talada Oktoobar 2021.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

MeelKasta oo Aadame Tagey Ayaan Darro Ayaa Laga Soo Sheegayaa!

admin

Jubbaland oo War cad kasoo saartay Xarigii Muqdisho loogu geestay Wasiirkeeda Amniga

Cabdi Cade

Milateriga Israel oo bilaabay burburinta qabuuro ku yaalla bariga Gaza (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---