Allbanaadir.com
NEWS

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo Ammar siiyay saraakiisha Laanta ilaalinta Canshuuraha (Sawirro)

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay xarunta laanta ilaalinta canshuuraha ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

U jeedka uu taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya maanta ku tagay laanta iLaalinta canshuuraha ayaa lagu sheegay u kuur galka howlaha shaqo ee hayaan laanta ilaalinta canshuuraha .

S.Guuto Sulub Axmed Firin, oo la hadlay saraakiisha iyo ciidamada laanta ilaalinta canshuuraha  ayaa amray in ay si wannaagsan uga shaqeeyaan kobcinta dhaqaalaha dalka maadama ay iyaga wakiil uga yihiin ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Sidoo kale taliyaha ayaa saraakiisha iyo ciidanka booliiska kula dar-daarmay in ay ka fogaadaan waxyaabaha maanka-dooriyo ee qatarta ku ah nafta ciidanka , amniga iyo dhaqaalaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Golaha ammaanka ee QM oo maanta soo afjaraya loolanka adag ee Jabuuti & Kenya

Caydiid Ali

Haweeney Dilaa ah oo Khatar ku ah raga oo laga baadi goobayo dalka Kenya !!

Cabdi Cade

Madaxii Shirkada McDonald oo shaqada looga eryay Sabab layaab leh !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---