Ciidanka kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo garab ka helaya ciidamada daraawiishta Jubbaland ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah howlgalo ka dhan ah kooxda Al Shabaab kawada deegaanno katirsan gobolka Jubadda Hoose.
Howlgalka ay ciidanka huwanta ah ka fuliyeen saacadihii lasoo dhaafay deegaannada iyo tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo degaano kale waxa ay ku dileen xubno badan oo katirsan Al Shabaab.
Saraakiisha ciidanka howlgalka wada hoggaamineysay ayaa sheegay in ciidamada dileen 35-xubnood oo katirsan kooxda Al Shabaab, kuwaa oo isugu jiray saraakiil sar sare iyo sidoo kale dagaallamayaal.
Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in howlgalka xubnaha lagu dilay ay ku jiraan saraakiil sar sare oo katirsanaa Al Shabaab , kuwaa oo isugu jiray Soomaali iyo ajaaniib , waxa ayna xuseen in xubnaha la dilay ahaayeen kuwa khatar ku ahaa bulshada Soomaaliyeed.
Ciidamada Danab iyo kuwa Jubbaland ayaa sidoo kale la sheegay in nolosha ku qabteen 7-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo loo gudbiyay xabsi kuyaalla magaalada Kismaayo oo lagu baarayo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com