Allbanaadir.com
NEWS

Qorshayaal lagu adkeenayo ammaanka magaalada Muqdisho oo laga shiray (Sawirro)

Waxaa xalay xarunta maamulka gobolka Banaadir ka dhacay shir xasaasi ah oo looga shirayay sidii loo adkeyn lahaa ammaanka magaalada Muqdisho, xilli ay soo food leedahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

Shirka ka dhacay xarunta gobolka waxaa ka qeyb galay taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya, guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyaasha ciidamada booliiska, nabad sugida gobolka Banaadir iyo guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka.

Taliyaasha iyo masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ayaa inta uu shirka socday is dhaafsaday aragtiyo ku aadan sida ugu macquulsan ee loo adkeyn karo ammaanka magaalada Muqdisho inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Sida aan wararka ku helnay taliyaasha iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa isla gartay in la xoojiyo feejignaanta ciidamada ammaanka, sidoo kale la sameeyo ciidamo roondo ku sameeya degmooyinka iyo waddooyinka magaalada.

Taliyaasha ciidamada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaana u ballamay kulamo kale oo looga arrinsanayo dar-dargelinta ammaanka caasimadda oo muddooyinkii dambe ku yaraadeen dilalka iyo qaraxyada ay Al Shabaab ka fulin jireen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Soomaaliya iyo Mareykanka oo kala Saxiixday Heshiis gaaraya 92 Milyan Dollar (Sawirro)

Cabdi Cade

Dhismaha Xarunta KMG ee Baarlamanka Somalia oo ka bilowday Muqdisho (daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Deegaanka Nuur Dugle iyo Khasaaro ka dhashay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---