Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Faah Faahino kasoo baxaya iska hor imaad Khasaaro geestay oo Muqdisho ka dhacay

Waxaa shalay galinkii dambe iska hor imaad dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Xaafada Siliga Amerikanka ee degmada Wadajir, waxaana iska hor imaadka uu dhax maray ciidamo booliis ah iyo Maleeshiyaad hubeesan.

Ciidamo booliis ah oo roondo ku marayay xaafada Siliga Amerikanka ayaa la sheegay in rasaas kusoo fureen maleeshiyaad hubeesan oo xaafadaasi ku sugnaa, waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad daqiiqado kooban socday.

Inta la xaqiijiyay iska hor imaadkan waxaa ku dhintay askari katirsanaa ciidanka booliiska iyo nin katirsanaa maleeshiyaadkii ciidanka la dagaaamaya, waxaa sidoo kale iska hor imaadkaasi ku dhaawacmay sadex maleeshiyaad ah.

Afhayeenka Booliska Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in ciidanka booliiska dileen nin katirsanaa maleeshiyaadka hubeesan sidoo kale gacanta ku hayaan sadex nin kale oo katirsanaa mileeshiyaadka oo ku dhaawacmay iska hor imaadka.

Xaafadaha magaalada Muqdisho qaarkood waxaa ku sugan maleeshiyo beeleed hubeesan oo mararka qaar dadka deegaanka u geesta dhac iyo dhibaatooyin kale, waxaana adag in ciidamada amaanka xaafadahaasi ay saldhigyo ka dhigtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlado xubno ka ah Golaha amaanka ee QM oo war cusub ka soo saaray Somalia

Caydiid Ali

Khilaafkii Madaxweyne Deni iyo Axmed Karaash oo ugu dambeyn la soo afjaray

Caydiid Ali

Arday wax ka dhigata Jaamacadda Muqdisho oo Turkiga aaday lana sagootiyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---