Allbanaadir.com
NEWS

Jilaa caan ka ahaa qaarada Afrika oo geeriyooday iyo dad badan oo ka hadlay geeridiisa

Jilaa caan ka ahaa qaarada Afrika una dhashay dalka ugu dadka badan Afrika ee Nageria ayaa geeriyooday, kaddib xanuun dhinaca wadnaha ah uu muddo sannado badan la daalaa dhacayay jilaagan.

John Okafor oo loo yaqaannay Mr. Ibu ayaa ku geeriyooday isbitaal kuyaalla magaalada Legos ee dalka Nageria, waxaana jilaagan muddo dheer lala tacaalayay xaaladiisa caafimaad oo aad usii xumaaneysay.

Jilaagan geeriyooday ayaa la sheegay in muddo 24-sanno ah la daalaa dhacayay xanuunka wadna xanuunka ah, sannadkii lasoo dhaafay ayaana la sheegay in xaalada jilaagan ay aad uga sii dartay.

Dad badan oo caan ka ah qaarada Afrika ay ku jiraan jilaayaal iyo madax ayaa ka tacsiyadeeyay geerida aktarkan reer Nageria, waxa ayna sheegeen in qaarada Afrika ka baxay nin hal-abuure weyn ahaa aadna loo jeclaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Madaxweynaha Jubbaland oo xilkii ka qaaday Cabdi Cali Raage

Caydiid Ali

Farmaajo oo dhaleeceyn culus la kulmay & cabsi weyn oo ka taagan gudaha Kenya (Daawo)

Caydiid Ali

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo Ubax dhigay taallada Daljirka ee Italy (Sawirro)

Cabdi Cade