Allbanaadir.com
NEWS

Waddo laami ah oo aada garoonka Maxamed Dheere oo la dhagax-dhigay (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dhagax-dhiggay waddada isku-xirta garoonka diyaaraddaha ee Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.

Masuuliyiinta shirkadda u xil-saaran dhismaha waddadan maanta la fhagax-dhigay ayaa madaxweynaha Hirshabelle u sheegay in ay diyaar u yihiin dhismaha waddada ayna muddo kooban shaqadasai kusoo gabagabeyn doonaan.

“Sannad iyo bar oo dagaal ah kaddib dowladda Hirshabeelle isku-tashi ayay ku dhisaneysaa deegaanadeeda. Alle ayaa mahad leh oo maanta noo suurageliyay inaan biloowno dhismaha waddada xiriirisa garoonka iyo magaalada Jowhar.”ayuu yiri Cali Guudlaawe

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay maamulkooda garab istaagaan kana qeyb qaataan dib u dhiska iyo hurumarka deegaannada maamulka ka taliyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dagaal xoogan oo ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Xiisad wali taagan

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo War cusub ka soo saaray qabashadii Ruun Nirgood

Caydiid Ali

Faransiiska oo ka carrooday xarun ay Gaza ku lahaayeen oo Isreal duqeysay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---