Allbanaadir.com
NEWS

Duqii magaalada Baladweyne oo xilka laga qaaday iyo Duq cusub oo la magacaabay

Wareegto kasoo baxday wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Hirshabelle mudane Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa Xilkii looga qaaday duqii magaalada Baladweyne Nadar Tabaax Maalin.

Wareegtada kasoo baxday wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa loogu magacaabay duqa cusub ee magaalada Baladweyne in uu noqdo Cabdullaahi Salaad Kudugey oo badelaya duqii hore ee xilka laga qaaday.

Xil ka qaadistan ayaa imaaneysa xilli magaalada Jowhar maalmihii lasoo dhaafay ka socday shirar u dhaxeeyay madaxda maamulka Hirshabelle iyo sidoo kale madaxda gobolada iyo degmooyinka Hirshabelle hoostaga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii u Dambeeyay Xildhibaan la afduubtay iyo Al Shabaab oo lagu tuhmayo

Cabdi Cade

Maxaa C/raxmaan C/shakuur looga joojiyey inuu ka khudbeeyo Xaflada caleemo saarka?

Caydiid Ali

Mid ka mid ah dowladaha Yurub oo Somalia kala baxeysa tababareyaal Milateri

Caydiid Ali
Taboola Ads ---