Allbanaadir.com
NEWS

Ruushka oo jabsaday xogta shir iyaga ka dhan ahaa iyo Olaf Scholtz oo ka carrooday falkaasi

Dowladda Ruushka ayaa awood u yeelatay in ay jabsato ayna hesho macluumaadka shir iyaga ka dhan ahaa, kaa oo ka socday magaalo ku taalla dalka Jarmalka, waxa uuna Ruushka bannaanka keenay macluumaadkii shirkaasi.

Kanaalka rasmiga ah ee Ruushka ee RT ayaa maqalka shirkan oo muuqaal ahaa ku baahiyay baraha bulshada, waxaana si toos ah loo dhageesanayay haddalada shirkaasi la isku dhaafsanayay.

Shirkan xogtiisa jabsadeen dowladda Ruushka ayaa looga hadlayay dagaalka ka socda dalka Ukraine, waxa ayna qirtay dowladda Jarmalka in la jabsaday shirka lana dusiyay xogta iyo macluumaadkii shirkaasi la isku dhaafsadanayay.

Hoggaamiyaha dalka Jarmalka Olaf Scholtz ayaa ka carrooday falkan dowladad Ruushka ku kacday, waxa uuna sheegay in dusinta codkan ay tahay arrin khatar ah, isla markaana baaritaan lagu sameyn doono.

Dowladda Ruushka ayaa dhankeeda sheegtay in codka laga mawqlayay shirka ka dhacayay Jarmalka uu caddeyn u yahay sida cadowga Ruushka u qorsheenayo in dalkooda weeraro kusoo qaadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyay xaalada Caafimaad ee Xildhibaan Jacfar oo dibadda ….

Cabdi Cade

Shiikh Shariif: “Taag-darida dowlada hadda jirta ayaa igu dhalisay inaan Siyaasada ku soo laabto”

Caydiid Ali

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo lagu soo dhoweeyey xarunta G/Banaadir (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---