Allbanaadir.com
NEWS

Donald Trump oo guulo waa weyn ka gaaray doorashooyin ka dhacay dalka Mareykanka

Madaxweynihii hore ee dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale qarka u saaran in uu noqdo musharaxa xidbiga Jamhuuriga ku matalaya doorashada dabayaaqada sannadkan ka dhaceysa dalka Mareykanka.

Donald Trump ayaa ku guuleestay doorashooyin ka dhacay dhowr magaalo uu ugu tartamayay in uu noqdo musharaxa xisbigiisa matelaya, waxa uuna doorashooyinkaasi kaga adkaaday musharaxiintii kale ee la tartantay.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa ku guuleystay  doorashooyinka ka dhacay gobolada Missouri, Michigan iyo Idaho, waxaana kaliya u harsan dhowr gobol kale in guulo ka gaaro si doorashada ugu matelo xidbigiisa.

Doorashada socota haddii uu Trump kusoo baxo waxa uu doorashada guud ku mateli doonaa xisbiga Jamhuuriga, waxa uuna xilka madaxweynaha Mareykanka kula tartami doonaa madaxweynaha talada dalka hadda haya ee Joe Biden oo mar kale tartamaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Xamse oo qaabilay Wafdi sare oo ka socday Bangiga Adduunka (Sawirro)

Cabdi Cade

Kulanka Wadatashiga dhismaha golaha deegaanka  Jowhar oo la soo gabagabeeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Daawo:-Xasuuqii Warshiikh oo War laga soo saaray & Kenya oo la soo baxday Qorshe cusub

admin
Taboola Ads ---