Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wiil Soomaali ah oo Toorey lagu dilay Magaalada Gummersbach iyo Booliska oo..

Allaha u naxariisto wiil Soomaali ah oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed ahna 24 sano jir ayaa lagu dilay  magaalada Gummersbach gobolka Nordrhein-Westfalen ee dalka Jarmalka.

Fiidnimadiii Jimcada ayaa la sheegay in marxuumka mindi la geliyay isagoo ku sugan Xarunta Tareemada laga raaco ee magaalada.

Waxaa la isku dayay in la badbaadiyo, iyadoo loola cararay isbitaal balse nasiib xumo way suura geli weysay oo waa geeriyooday.

Booliska Jarmalka oo howlgal sameeyey ayaa 24 saac ka dib gacanta ku soo dhigay Ninkii dilay marxuumka oo aan la ogeyn jinsiyadiisa iyo sababta uu dilay.

Saraakiisha Booliska Magaalada Gummersbach ayaa sheegay iney wadaan baaritaano ku aadan dilkan oo dhinaca kale ay si weyn uga xumaadeen Soomaalida ku nool Jarmalka.

Related posts

Ukraine oo ka qeylisay qorshe halis ah oo Ruushku damacsan yahay

Caydiid Ali

(Daawo Sawirro) Wasiir Cawad oo kulamo kula yeeshay Magaalada New York dhigiisa dalalka..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo saaka kusii jeeda Garawe

Cabdi Cade
Taboola Ads ---