Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo & Shiikh Shariif oo kulan xasaasi ah yeeshay (Maxa ka soo baxay?)

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo oo dhowaan ku soo laabtay Muqdisho ayaa caawa hoygiisa ku booqday Madaxweynihii 7aad ee dalka Shariif Sheekh Axmed

Kulankan oo ah kii u horreeyay oo dalka gudihiisa ku yeeshaan kaddib heshiiskii Ankara September 2023 oo hordhac u ahaa iney sameystaan isbaheysi siyaasadeed.

Labada Madaxweyne hore ayaa ka wada hadlay arrimaha siyaasadda ee dalka, gaar ahaan arrimaha wax ka bedelka Dastuurka oo dooddiisu ka socoto Baarlamaanka Federaalka, waxayna soo jeediyeen in wadatashi ballaaran laga yeesho arrintaas.

“Waxaan caawa hoygiisa kulan wadatashi oo miro dhal ah ku yeelannay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.  Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran” ayuu yiri Farmaajo.

isagoo hadalkiisa sii wata ayuu qoraal uu soo saaray kaga hadlay waxyaabaha ka soo baxay kulankooda.

“Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshadda” ayuu yiri Farmaajo.

Dhinaca kale Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Shiikh Axmed ayaa sheegay in iney Farmaajo ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey gaar ahaan arrinta wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka

“Waxaan caawa kulan wadda yeelnay Madaxweynihii hore ee dalka mudane Mohamed Abdullaahi Farmaajo oo dalka dib ugu soo laabtay. Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan dib u eegista dastuurka dalka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahan yihiin wadatashi ballaaran” ayuu yiri Shariif.

Labada Madaxweyne ayaa horey uga soo horjeestay qorshaha wax ka bedelka iyo dhameystirka dastuurka oo uu ku adkeystay Madaxweyne Xassan Shiikh, iyagoo ku andacoonaya in arrintaas ay u baahan tahay in wada tashi badan la geliyo si dastuurka uusan u noqon mid qolo gaar ah ay iska maamulato.

Related posts

R/Wasaare Kheyre oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayay Amniga Qaranka (Daawo Sawirro)

admin

Ra’isul Wasaaraha Somalia & wafdigii uu horkacayey oo dib ugu soo laabtay dalka

Caydiid Ali

Ruushka oo soo riday gantaalo Israel ku weerartay Siiriya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---