Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saciid Ciise: “Dabargoynta Siyaasadaha beeleysan waa xoreynta Dastuurka”

Siyaasaddu waxey qeyb ka tahay nolosha u baahan in la qaato halisteeda wadata xanuunka guuldaradeeda marka kursi doorasho lagu guuldareysto, iyo weliba marka la guuleysto oo hanka jaceylkii la qabey uu ku dambeeyo fashil siyaasadeed, taas oo iyaduna wadata xanuunkeeda siyaasadeed oo ka halista badan mida hore, balse waxa aan ahayn in loo bareero waa doqonimada siyaasadeed oo aan lahyn dawo iyo meel ay ku dhamaato oo horseedi karta guul ama guuldaro midkood, taasina waa sababta dastuurka qabyada ah loo dhameystiri waayey.

Siyaasiyiinta isku baheysanaya xujooyin aan guul ahayn, haddana  aan guuldaro ahayn, ayaa ah kuwa diidan in dastuurka la furfuro oo uu noqdo mid ummadda u wada furan wax ka bedelkiisa, balse taas bedelkeeda ay rabaan inuu noqdo mid u xiran wax ka bedelkiisa dad u gaara, kuwaas oo doonaya dastuurku inuu noqdo mid ay milkiyadiisa lahaystee ahaan u heystaan, waxaana xujooyinkaas ku keydsan dabrida xoriyada u dastuurku siinayo siyaasadda dalka.

Xoreynta xoriyadda dastuurka ayaa ah mid fareysa in dalku xor u yahay inuu furfuro hanaanka dowladda lagu hogaaminayo oo madaxweynaha ay dadku soo doortaan u ogolaanaya cidii uu doono inuu u qaadan karo madaxweyne ku xigeenka uu rabitaankiisa ku soo xushay, waana xilkaas ah ku xigeenka meesha xujadu ka taagan tahay oo lagu diidan yahay in lagu soo xusho rabitaanka madaxweynaha, balse taas bedelkeeda laga doorbidayo iney u xirnaato awood qeybsi beeleed oo salka ku haysa sii jiritaanka xilka raisulwasaaraha.

Halista ay ka qabaan xoreynta furfurka dastuurka ayey siyaasiyiinta ay aragtidoodu beeleysan tahay waxey uga dhigan tahay in gabalkoodu dhacayo oo aysan qiil dambe u haysan doonin gabaadkii ay ku awr kacsan jireen oo ahaa kana anagaa leh, kaasna idinkoo dhan ayaa isla wada leh, haseyeeshee, wuxuu furfurka xoreynta dastuurka dalka uu kursigaas ka dhigi doonaa mid fursadiisu u wada dhaxeyso ummadda oo dhan.

Ma sahlana halista ay dareemayaan cid kasta oo u baratay iney ku soo caano maalaan sanooyin fara badan waxeysan xaq u lahayn iney ku qaataan siyaasado beeleysan, waxeyna halistaas siyaasadeed ay wadataa fursadeeda, taas oo u baahan in la ogolaado xanuunkeeda la xiriirta kalsoonixumada lagala kulmi karo guusha iyo guuldarada xilkaas, waxaana fursada kursigaas iska leh madaxweynaha la doorto oo ku xigeenkiisa ka soo xulanaya ummadda Soomaaliyeed qofkii uu ka doono, waxeyna taas siineysa fursad dahaba siyaasiyiin badan oo weligood gobolada ay ka soo jeedaan aysan fursad u helin buuxunta xilkaas aadka u sareeya.

Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka waxey noqonayaan kuwo tartan ku yimaada oo xil hayntooda doorasho dadweyne loogu soo guuleysto, waxeyna taas ay siyaasada Soomaaliya u horseedeysaa hanaan ka madaxbanaan awood qeybsi ku saleysan siyaasadaha beeleysan ee nidaamka dowladda ku dhex milnaa, waana fursad nasiibkeeda cidii yeelata ay dalka ku hogaamineyso siyaasad xora oo ka madaxbanaan awood qeybsiga beeleed.


Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
saciidciise258@aol.com

Related posts

Ciidamada Puntland oo dilay nin katirsanaa Daacish mid kalana nolosha ku qabtay (Sawirro)

Cabdi Cade

Sargaal kasoo goostay Somaliland oo S/Guuto loo dalacsiiyay loona magacaabay Taliye kuxigeen

Cabdi Cade

Wiil uu dhalay Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya oo dagaal lagu dilay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---