Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Al-Shabaab oo dagaal looga qabsaday degaano cusub, hub iyo Maxaabiis (Sawirro)

Ciidamada Jubbaland qaybahooda kala duwan sida Nabad-sugidda, Ururka 162-aad eeĀ  Danab, ciidanka Madaxtooyada iyo guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Xoogga Dalka, ayaa saaka waaberigii weerar qorsheysan oo dhowr jiha ah ku qaaday degaano ay ku sugnaayeen Al shabaab noo ka tirsan Jubbada hoose

Ciidamada Jubbaland ayaa weerar ku qaado fariisimo ay al shabaab ku lahaayeen Deegaanada Wirkooy, Baarsanguuni iyo deegaano kale oo jiinka Webiga Jubba ku teedsan.

Howlgalkan oo ahaa mid si weyn loo qorsheeyey, saacado badana socday ayaa waxaa Ciidamada dhanka laamiga ka howlgalayay u suuro gashay in ay gacanta ku dhigaan degaanka Baarsanguuni, halka ciidamada jihada kale ee webiga abbaaray ay kaabiga u tageen degmada Jamaame oo ah meelaha ubucda u ah Al shabaab

“Ciidamada Jubbaland ayaa cagta mariyey fariismihii ay hore u sahmiyeen laamaha sirdoonka, iyadoo dhegta dhiigga loo daray horjoogayaal iyo maleeshiyaad Argagaxisada ka tirsan kuwaa oo gaaray Afartameeyo qof” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Jubbaland.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay tiro ka tirsan al shabaab oo ay nolosha ku qabteen, iyo hub kala duwan maxaabiistaas oo la gaarsiiyey magaalada Kismaayo.

Ciidamada Jubbaland ayaa degaanka Baarsanguuni markii hore uga soo baxay sabab la xiriirta Fatahaaddii Elnino oo Buundooyiin dhowr ah ay daadadku burburiyeen, hadda Ciidamada ayaa u suuragashay in ay dib ugu noqdaan sidoo Kalena hore usii socdaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Madasha Xisbiyada Qaran oo War ka soo saartay doorashadii Madaxweyne Qoorqoor (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxkamadda ciidamada oo xukun dil ah ku riday Hodan Diiriye iyo Ibraahim Ismaaciil

Cabdi Cade

Golaha Wasiirada oo Ansixiyay Miisaaniyadda Sannadka 2022 (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---