Taliska ciidanka booliiska maamulka Somaliland ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay askari katirsanaa ciidanka milatariga Somaliland oo xalay aabihiis si bareer ah ugu dilay magaalada Ceyrigaabo ee gobolka Sanaag.
Booliiska ayaa sheegay in ciidanka booliiska gacanta ku hayaan eddeysane Cabdiqaadir Maxamed Cabdi oo xalay dilay aabihiis Maxamed Cabdi Xamari, waxa ayna booliiska sheegeen in askarigan oo isku dayay in uu baxsado gacanta lagu soo dhigay.
Taliyaha booliiska Somaliland ee gobolka Sanaag oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in askariga dilka geestay uu cabsanaa marka uu dilayay aabihiis, waxa uuna xusay in ay hadda ku wadaan baaritaanno ku aadan sababta uu aabihiis u dilay.
Waxa uu sheegay taliyaha in ninka dilka geestay aysan muuqan sabab gaar ah uu aabihiis u dilay, waxa uuna xusay kaliya in ay tuhmayaan in sababta dilka keentay ay tahay maandooriye uu ninkaasi si weyn u isticmaalayay.
Taliyaha booliiska gobolka Sanaag ayaa sheegay in ninkan dilka geestay sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo horgeyn doono, si loo marsiiyo ciqaabta dambiga dilka ah uu aabhiis u geestay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com