Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo ka cawday qaar kamid ah Xildhibaannada laga soo doortay…

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu caleemo saarayay golaha deegaanka ee magaalada Jowhar ayaa ka cawday xildhibaannada heer Federaal ee laga soo doortay Hirshabelle.

Cali Guudlaawe ayaa sheegay in qaar badan oo kamid ah xildhibaannada laga soo doortay Hirshabelle kasoo horjeedaan maamulkiisa, waxa uuna xusay in dhagxaan farqaha ugu heestaan maamulkiisa kuna dhibaateenayaan.

“Annaga waan ognahay in xildhibaanada laga soo doortay deegaanadan inay farqa dhagax ku wataan oo ay tuuryeynaan degmadii iyo deegaankii laga soo doortay ayna dhibaateeyaan, horumarkiina ay u diidaan” ayuu yiri madaxweyne  Cali Guudlaawe.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ku eedeeyay xildhibaannada qaar in ay ayba kasoo horjeedaan horumarka Hirshabelle iyo deegaannada ay kasoo jeedaan, waxa uuna caddeeyay in aysan waxba ka faa’iideyn ka shaqeynta dib u dhaca deegaankooda.

“Waxaan leeyahay ku deyda kuwa wanaagsan inaad degmadi aad ku dhalatay dadkaagii iyo deegaankaagii dib u dhacooda aad ka shaqeyso maalin weliba aduunka sharaf kuma heleysid, aakhirana ajir kuma heleysid” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe oo ka gaabsaday magacyada xildhibaannada caqabada ku ah maamulkiisa ayaasa tilmaamay in xildhibaannadaasi yihiin dhallinyaro siyaasada ku cusub, waxa uuna ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan horumarka dhulkooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Waare oo la kulmay Saraakiishii ciidan ee tagay Baladweyne

Cabdi Cade

Dastuurkii la xaday oo ku jira Qodob sheegaya in Muqdisho Caasimad aheyn (Akhriso Cadeymo)

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka gudoomay Danjire Nicolas Nihon (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---