Allbanaadir.com
NEWS

Odayaasha Dhaqanka gobolka Awdal oo kahor yimid damaca dowladda Ethopia

Odayaasha dhaqanka  ee gobolka Awdal,gaar ahaan kuwa dega magaalada lug-haya ayaa isku raacay in meel looga soo wada-jeesto damaca Ethiopia ee ah in ay dekad ka sameysato xeebaha deegaanadaasi.

Kulan balaaran ay isugu yimaadeen odayaashan oo ka dhacay xeebta degmada Lug-haya ayey ku shaaciyeen in aysan raali ka aheyn heshiiskii Adis Ababa ku dhax maray Madaxweynaha Somaliland iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya.

Qaar badan oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee gobolkaasi ayaa xusay in ay muqadas tahay difaaca iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxa ayna caddeeyeen in ay kasoo horjeedaan damaca Ethopia.

Hoggaamiyaasha dhaqanka ee gobolka Awdal waxa ay  ku baaqeen in loo diyaar garoobo difaaca badda Soomaaliya ,isla markaana laga hortago damaca xun ee Itoobiya ku dooneyso in ay ku qaadato baddooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Muuse Biixi oo eedeymo kulul u jeediyey Qaramada Midoobay iyo Maamulka Puntland

Caydiid Ali

Soomaaliya iyo Masar oo yeelanaya Iskaashi dhinaca Ciidanka (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Isbitaal ku booqday dad kusoo dhaawacmay qaraxii Baladweyn (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---