Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Dowladda iyo ciidamo shisheeye oo fuliyay howlgal ka dhan ah Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka oo kaashanaya ciidamo ka socda dalalka saaxiibka la ah dowladda ayaa howlgal Ka sameeyey deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga Degmada Ceeldheer iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

Ciidanka kumaandooska Soomaaliya oo ka helaya gacan ciidamo shisheeye ayaana howlgalkan ka fuliyay deegaanno Al Shabaab xubno katirsan isku uruursanayeen , kuwaa oo la sheegay ciidanka in ay heleen xogtooda.

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Al Shabaab inta howlgalku socday, waxa ayna saraakiisha xuseen in Al Shabaab jab xooggan gaarsiiyeen.

Ciidanka dowladda oo kaashanaya ciidamo shisheeye ayaa maalmahan waday howlgalo qorsheysan oo ka dhan ah Al Shabaab , waxaana howlgaladaasi ciidanka huwanta la sheegay in Al Shabaab lagu jabiyay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

RW Rooble oo la kulmay 16-kii Xildhibaan ee lagu soo doortay Ceelwaaq (Sawirro)

Caydiid Ali

Masar oo fursaddii ugu Dambeesay siisay Itoobiya iyo dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade

Ajaaniib laga shakiyay oo gacanta lagu dhigay iyo baaris ku socota

Cabdi Cade
Taboola Ads ---