Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo dacwad ka dhan ah Dowladda Soomaaliya u gudbisay Hay’addo Garsoor

Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay in dacwad ka dhan ah dowladda Soomaaliya u gudbiyeen hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda aadanaha, iyaga oo ku eedeeyay dilal iyo jir-dil loo geestay dad kasoo jeeda Somaliland.

Qoraal kasoo baxay maamulka Somaliland ayey sidoo kale ugu baaqeen beesha caalamka ee taageero dowladda Soomaaliya in fiiro gaar ah u yeeshaan dadka kasoo jkeeda Somalilands ay sheegeen in ay dowladda Federeaalka dhibaateeneyso.

”Xukuumadda Somaliland waxay dacwad ka dhan ah dawladda muqdisho u gudbisay hay’adaha garsoorka iyo xuquuqda binu aadannimo ku shaqada leh, waxaanay ugu baaqaysaa hay’addahaasi inay dilalka iyo jidh dilka baadhis caalamiya ku sameeyeen” ayaa lagu yiri qoraalka Somaliland.

Somaliland ayaana ku eedeysay dowladda Soomaaliya in ay ka dambeeysay dhimashada sargaal katirsanaa hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya iyo xildhibaan hore oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Maamulka Somaliland ayaa sidoo kale ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Hay’adaha ay khusayso maamulka hawadu, sida ICAO iyo IATA, inay maamulka hawada si buuxda ugala soo xiriiraan maamulka Somaliland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Dufle oo Bulshada Soomaaliyeed uga digaya halista caabuqa Coronavirus (VIDEO)

Caydiid Ali

Ciidamada Isreal oo gudaha u galay Isbitaalka Gaza iyo falalkii ay ka sameeyeen

Cabdi Cade

Hay’adaha Sirdoonka Somalia iyo Ethiopia oo kala saxiixday heshiis cusub (Sawirro)

Caydiid Ali