Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka dal Afrikaan ah oo laga jartay Korontadii ka dib lacag badan oo lagu yeeshay

Shirkadda Korontada ee ay dowladdu maamusho ee Ghana (ECG) ayaa Khamiistii korontada ka jartay baarlamaanka dalkaas, kaddib markii ay ku yeelatay deyn gaaraysaa illaa 23 milyan oo lacagta Ghana ah oo u dhiganta ($1.8m).

Maqnaanshaha korontada ee xilligii la jaray ayaa qasbay in ay hakad gasho doodii ku saabsanayd khudbaddii sannadeedkii Madaxweynaha.

Video ay warbaahinta gudaha lagu baahiyey ayaa muujinayey xildhibaannada oo ka falcelinaya markii korontadu ka tagtay.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in koronto-dhaliye la shiday uu dib u soo celiyay korantada qolka doodda dhowr daqiiqo ka dib, arrintaas ataa fadeexad iyo ceeb ku noqotay Ghana

Related posts

Ciidanka Liyuu Booliska degaanka Soomaalida oo afar arrimood kala dooranaya

Caydiid Ali

Sida loogu sirmay Jaamacadaha bixiya Shahaadooyinka bugta ah ?

Cabdi Cade

Magacyo loo bixiyay labo libaax oo muran ka dhashay iyo Maxkamad ammar kasoo saartay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---