Labo wiil oo yar yar ayaa meydadkooda laga dhex helay Gaari dhexdiis gudaha magaalada Galdogob, in ka badan 24 saac ayaa la baafinayey ka hor inta aan meydkooda la helin.
Gaariga laga dhex helay caruurta ayaa ahaa mid ciladaysan oo yaalay geerish ah in ka badan shan sano, Waxaaa la sheegay in labada wiil ay galeen Gaariga ka dibna ay awoodi waayeen inay iska furaan albaabka
Wax dhaawac ah jirkooda lagama helin balse laamaha ammaanku waxay sheegeen in caruurta ay ku neef qabatoobeen gaariga dhexdiisa maadaama ay ku jireen 24 saac ka badan cimiladuna ay tahay mid kulul.
Labada wiil ayaa ahaa walaalo aan sidaa u kala da’weynayn 3 jir iyo 4 jir sida ay waalidiintu xaqiijiyeen, waxaana dhacdadan aad uga naxay waalidinta labada wiil iyo guud ahaan shacabka degmada Galdogob.
Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa cambaareeyay xasuuqa ka dhacay goob cunto gargaar ah oo ku taal Gaza, halkaas oo wasaaradda caafimaadka ee marinkaas ay sheegtay in in ka badan 100 qof ay ku dhinteen.