Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa waxay howlgal ka fuliyeen Gobolka Galgaduud gaar ahaan meel 2-km kaga beegan dhanka Galbeed Degaanka Cali Yabaal.
War kasoo baxay dowlada Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalka lagu dilay in ka badan 15 xubnood isugu jira saraakiil & dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab, halka 22 kale lagu dhaawacay.
Sidoo kale dowladda ayaa sheegtay Goobta duqeynta laga fuliyey ay Al-Shabaab u eheyd Saldhig ay ku aruuriyaan xubnaha weerarada fuliya, kuwaasoo loo yaqaano Jabhadda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in duqeynta lagu burburiyay saanad ciidan oo ay lahaayeen Al-Shabaab, isla markaana howlgallada ay noqon doonaan kuwo sii socda inta laga ciribtirayo al shabaab guud ahaan dalka.