Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidii talada dalka looga guuleystay sanadkii 2022  ku noolaa dalka dibadiisa gaar ahaan dalalka Turkiga iyo Qatar.

Waxaa uu dhowr jeer ku dhaliilay DFS ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh inay ku deg degtay furista iyo wax ka bedelka Dastuurka KMG ah, talaabadaas oo uu ku tilmaamay in tahay mid wax u dhimaysa midnimada umadda Soomaaliyeed.

Lama oga inay arrimo siyaasadeed la xiriirto iyo in kale dib usoo laabashada Farmaajo ee dalka balse ilo wareedyo ku dhow madaxweynihii hore ayaa xaqiijiyey inuu maanta ka soo degayo gagida diyaaradaha ee Aadan Cade.

Related posts

Dil saakay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

R/W Rooble oo ka hadlay Jadwalka cusub ee Doorashada ee Caawa lasoo saaray

Cabdi Cade

Shir xasaasi ah oo ka dhacay Xafiiska RW iyo taliyeyaasha amniga oo loo yeeray

Caydiid Ali
Taboola Ads ---