Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Masuul uu Xoghayaha guud ee QM u magacaabay Somalia oo Muqdisho yimid

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah QM u qaabilsan Somalia Raisedon Zenenga ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho caasimada Somalia.

Raisedon Zenenga ayaa waxaa dhowaan magacaabay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres isagoo Muqdisho u yimid si uu ula wareego xilkiisa.

Waayo-aragnimadiisa waxaa ka mid ah inuu horay ula soo shaqeeyay UNSOM oo ah xafiiska QM ee Somalia.

Waxaa uu bedelayaa Ku xigeenkii hore ee Ergeyga Gaarka ah QM u qaabilsan Somalia Anita Kiki Gbeho oo dhameysatay mudadii loogu talo galay iney xilkaas heyso.

Dhinaca kale, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Catriona Laing iyo Agaasimaha hay’adda UNODC, Ghada Fathi Waly ayaa kulan ku yeeshay Muqdisho.

Related posts

Fahad Yaasiin oo baaq Xasaasi ah u diray Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Maraykanka oo weli digniino yaab leh u diraya Muwaadiniintiisa ku sugan Itoobiya

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Danab oo howlgal ku soo qabtay sarkaal ka tirsan Al-shabaab

Caydiid Ali
Taboola Ads ---