Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Wasiiradda oo lagaga hadlay qodobo kala duwan.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaaleynta iyo Dib-uheshisiinta Dowladda Jubaland ayaa ka warbixisay habsami u socodka shaqada Wasaaradda iyo mashaariicda kala duwan ee Xoojinta Federaaleynta iyo Dowladdaha Hoose, waxay sidoo kale Wasaaraddu faah-faahin ka siisay Golaha halka uu marayo dhismaha golayaasha deegaanka oo dhawaan laga bilaabi doona degmooyinka Jubaland.
Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Jubaland ayaa warbixin ka sii say golaha safarkeedi shaqo oo ay ku soo martay deeganada Diif, Wadajir iyo Tuulo barwaaqo kuwaas oo lagu soo indha indhaynayay sida loo gaarsiin lahaa adeeg bulsho isla markana laga soo dhagax dhigay goobo waxbarasho.
Wasaaradda Gar-gaarka, Maareynta iyo Musiibooyinka Dowladda Jubaland ayaa Golaha la wadaagtay saameyntii roobabkii deyrta ahaa aygeysteen iyo sidii looga hortagi lahaa barnaamijka saameynta yeeshay ee loo yaqaan ‘Aid Diversion’. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka hadashay gurmadka raashiin oo ay gaarsiiyeen deegaanka Jannaa Cabdalla.
Wasaaradda Haweenka, Arrimaha Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Dowladda Jubaland ayaa ka warbixisay safarkeedii shaqo oo ay ku howlwadeennada Wasaaraddu ku tageen degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose
Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Jubaland ayaa sidoo kale Golaha looga dhageystay warbixinta ku saabsan isdhexgalka Ciyaarihii iskuulada iyo doorashada Ururka Kubada Cagta ee Dowladda Jubaland.