Allbanaadir.com
NEWS

Shir u furmay Guddoonada Baarlamanka DF & kuwa dowlad goboleedyada dalka (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay shir wada-tashi oo ay yeesheen guddoomiyeyaasha Golaha Wakiilada dowlad goboleedyadda dalka iyo guddoonka BJFS.

Shirka waxaa Guddoomiyaha ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Xirsi Timacade.

Shirkan wada-tashiga ayaa waxaa uu qeyb ka yahay talo gelinta arrimaha dib u eegista Dastuurka oo doodiisa ka socota Baarlamaanka labadiisa aqal ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa ay guddoomiyeyaasha dowlad goboleedyadda magaalada Muqdisho uga qeyb galayeen shirka wada-tashi ee wax ka bedelka dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidii loo gaarsiin lahaa shacabka ku nool gobolada dalka.

Waxaa shirkan ka qeyb galaya gudoonada baarlamanka Galmudug, Jubbaland, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed, waxaana ka maqan Puntland oo khilaaf siyaasadeed uu kala dhexeeyo dowlada Madaxweyne Xassan Shiikh

Related posts

Dalkii labaad ee ka tirsan Yurub oo laga helay nooca cusub ee Viruska COVID-19

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo si weyn loogu cambaareeyay Talaabo uu shalay qaaday

Cabdi Cade

(Sawirro) Madaxweyne Xasan Shiikh oo codsi ku saabsan RW cusub u diray Baarlamanka DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---