Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka Israel oo hal goob ku xasuuqay dad 100 ka badan oo gargaar sugayey (Sawirro)

Ugu yaraan 104 falastiiniyiin ah oo sugayay cunto gargaar ah ayaa la dilay 760 kalena waa lagu dhaawacay ka dib markii ay rasaas ku fureen ciidamada Israa’iil ee ku sugan Qaza.

Weerarkan argagax leh ayaa yimid ka dib markii dad rayid ah ay ku soo xoomeen hareeraha baabuur gargaar waday iyagoo rajo ka qaba inay helaan cunto ay taangiyada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ay billaabeen inay toogtaan dadka ku sugan waddada Harun Al Rasheed ee galbeedka magaalada Gaza, ee aagga Sheikh Ajleen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Israel ayaa u sheegay CNN inay rasaas nool u adeegsadeen dadka ku hareeraysan baabuurta gargaarka, “Dadweynaha ayaa u soo dhawaaday ciidamada hab khatar ku ah ciidamada, kuwaasoo kaga jawaabay rasaas nool, dhacdada dib ayaa loo eegayaa.” ayuu yiri.

Baabuurta gargaarka ah ayaa isku dayay inay goobta ka baxsadaan, iyagoo si lama filaan ah dad kale ugu jiiray, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac kale, sida ay goob joogayaal sheegeen.

Dr. Amjad Eleiwa oo ku sugan qolka gargaarka degdega ah ee Isbitaalka Al Shifa ayaa sheegay in 40 ka mid ah dadka la dilay ay soo gaareen Isbitaalka.

Dr. Xussam Abuu Safiya oo ka tirsan Isbitaalka Kamaal Cadwaan ayaa isna sheegay in 10 kale oo la dilay ay soo gaareen Isbitaalka, halka Isbitaalka Al Cawda ee Jabalya uu xaqiijiyay in ay soo gaareen 3 qof oo la dilay.

Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca ayaa la filayaa inay sii kordhaan, iyadoo meydad badan iyo dad badan ay weli taagan yihiin wadada, iyadoo gaadiidka gurmadka deg deg ah ay la tacaalayaan sidii ay u gaari lahaayeen dadka u baahan, sababtoo ah burburka ayaa xiray wadada sida uu sheegay Ahmad Abu Al Foul.

Hay’adda Oxfam International ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda X ku cambaareysay weerarka, iyadoo sheegtay in uu ahaa “xadgudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah ee bini’aadantinimada.

Duqeymo kale oo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Israel ayaa lagu dilay ugu yaraan 30 qof weeraro kala duwan oo ka dhacay xeryaha Nuseirat,Bureij iyo Khan Younis ee Gaza.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Dowlada Somalia oo shaacisay in la karantiilay afar qof oo ka yimid dalka dibadiisa

Caydiid Ali

Qarax khasaaro dhimasho geestay oo ka dhacay degmada Ceeldheer

Cabdi Cade

Ciidamada dowlada oo saaka xiray jidadka Muqdisho qaarkood (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---