Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamadda Xabsiga oo si qurux badan looga dhisay Muqdisho oo la Daah-furay (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta daah-furay howlgelinta maxkamadda xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7 oo loo dhisay qaab casri ah.

Xamse Barre ayaa sheegay guulaha laga gaaray amniga iyo dhaqaalaha dalka in aan la xaqiijin lahayn haddii aan dib-u-habeynta lagu sameeyn lahayn hannaanka caddaaladda iyo garsoorka dalka.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in Xukuumadda Danqaran ay mudnaan gaar ah siisay garsoorka iyo caddaaladda, taas oo cadeynaysa in markii ugu horreysay laga dhigay caddaaladda mid kamid ah lixda tiir ee ay Xukuumaddu leedahay.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay Xukuumaddu ay xoogga saareyso sidii dalku u yeelan lahaa xabsiyo casri ah oo dabooli kara baahida xabsi ee ka jirta Soomaaliya, isaga oo ugu mahadceliyey hey’adda QM iyo deeq bixiyeyaasha ka qeyb qaatay Dhismaha Maxkamadda Xabsiga Muqdisho ee ku yaal KM7 (Ex Control Afgooye).

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hal Arrin ku amaanay Madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade

Madaxweynaha Belarus oo war kasoo saaray in Ciidankiisa qeyb ka yihiin dagaalka Ukraine

Cabdi Cade

Tirada guud ee Shacabka Falastiin ay laayeen Ciidamada Israel oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---