Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta magaalada Jowhar ku guddoomiyay shir looga hadlayay arrimaha canshuuraha.
Shirkan ayaa waxaa qaban qaabadiisa lahaa Wasaarrada Maaliyadda da Hirshabeelle waxaana ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle mudane Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), guddoomiyayaasha labada Gobal ee Shabeellada dhexe iyo Hiiraan.
“Waxaa kordhay dhaqaallaha Dowladda Hirshabeelle waxaana sabab u ah dadaalka aan ugu jirno ka hortaga musuqmaasuqa, dhaqaallahaasi waxaan ugu faa’ideysan doonaa mashaariic kala duwan oo ay hirgelineyso Hirshabeelle.” ayuu yiri Cali Guudlaawe.
Ugu dambeyn madaxweynaha maamulka Hirshabelle ayaa faray dhinacyada dhaqaallaha ee maamulka Hirshabeelle inay dhowraan ammaanada loo dhiibay, haddii kale ay cawaaqib adag la kulmi doonaan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com