Xaalada caafimaad ee madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay shaki la galinayay, waxa ayna dadka qaar aamisan yihiin in uusan mar kale sii hoggaamin karin dalka Mareykanka xaalado caafimaad daro owgeyd.
Joe Biden ayaa mar kale u sharaxan xilka Madaxweynaha dalka Mareykanka oo doorashadiisa dhaceyso bisha November ee sannadkan, waxa uuna Biden mar kale doonayaa in Mareykanka sii hoggaamiyo.
Dhaqtarka gaarka ah ee Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in xaalada caafimaad ee Madaxweynaha hadda tahay mid wannaagsan, waxa uuna xusay in si caadi ah u gudan karo waajibaadkiisa shaqo wax dhibaato ahna uusan qabin.
Dr Kevin O’Connor ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan qabin xaalad laga walaaco kaddib baaritaanno lagu sameeyay, waxa uuna caddeeyay in si buuxda u gudan karo dhammaan masuuliyada saaran.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden hadda waa 81-sanno jir, waxa uuna mar kale doonayaa in uu kusoo baxo doorashada madaxweynaha ee dhaceysa dabayaaqada sannadkan aan ku jirno ee 2024-ka, isaga oo loola adag la gali doono Domnald Trump..
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com