Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi kasoo goostay maamulka Somaliland oo Muqdisho lagu soo dhaweeyay (Sawirro)

Magaalada Muqdisho waxaa soo gaaray laguna soo dhaweeyay nin siyaasi ah oo kasoo jeeda deegaannada maamulka Somaliland, kaddib markii uu siyaasigaasi uu kasoo tagay shaqadii uu ka hayay maamulkii uu katirsanaa.

Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay maamulka Somaliland , haddana kamid ahaa lataliyaasha madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa usoo goostay dowladda Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi iyo masuuliyiin kale ayaa kulan soo dhaweyn ah magaalada Muqdisho ugu sameeyay Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo kasoo tagay magaalada Hargeysa una soo wareegay Muqdisho.

”Sharaf bay Inoo aheyd in aan magaalada Muqdisho ku soo dhowayno Siyaasi Cabdiwaaxid Cabdulqaadir Cabdiraxmaan oo xilal kala duwan ka soo qabtey Maamulka Gobolada Waqooyi. Waxaan soo dhowaynaynaa Md. Cabdiwaaxid oo la taliye u ahaa madaxweyne Muuse Biixi isagana soo tagey xilkaas iyo gebi ahaan maamulkaas” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay boggaadineyso siaasiyiinta kasoo laabanay afikirka gooni-goosadka, isla markaana diyaarka u ah in ay Midnimada dalka iyo dadka ka shaqeeyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Sheekh oo Guddoomiyay Shir heer sare ah oo markii ugu horeesay Qabsoomay (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Puntland oo ku dhawaaqday iney kalsoonidii kala noqotay dowlada Somalia

Caydiid Ali

Somaliland oo ka walaacsan hubka Masar geysay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---