Allbanaadir.com
NEWS

Masuuliyiinta Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyed oo su’aalo la weydiiyey (Sawirro)

Guddiga Gaadiidka, Duulista, Garoommada, Dekedaha, Tamarta iyo Hawlaha Guud ee Golaha Shacabka ayaa maanta Kormeer ku tagay xarunta Hay’adda Duulista Rayidka JFS ee ee loo soo gaabiyo (SCAA). Guddoomiyaha Guddiga Xil. Abdillahi Geelqaad, Guddoomiye K/xigeenka Xil. Mohamud Ahmed Baafo iyo xubnaha Guddiga ayaa kormeerka ka bilaabay xafiiska Wasiiradda Gaadiidka ee JFS halkaas oo ay kula kulmeen Wasiirka, W/Dawlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada  iyo Agaasimaha; Xil. Fardowsa Egal iyo Xil. Abdo Xaydar iyo Agaasime Ahmed Moallim.

Intii kormeerka lagu jirey waxay guddigu su’aalo iyo talooyinba waydiiyeen/siiyeen masuuliyiintii ay la kulmeen, waxaana halkaa lagu kala qaatay warbixino taabanaya xaaladda guud ee dalka ee la xidhiidha badqabka duulista hawada Soomaaliya. Waxaana aad loogu dheeraaday caqabadaha kasoo cusboonaaday hawada Soomaaliya iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa caqabadaas isla markaana loo adkayn lahaa ammaanka iyo badqabka diyaaradaha isticmaalaya marinnada hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigu waxay soo arkeen oo ay dul istaageen dhammaan agabyada iyo xafiisyada kala duwan ee laga maamulo hawada Soomaaliya, iyaga oo shaqaalaha/hawl-wadeennada xafiisyadaas ka hawl gala ka waraystay xaaladdooda gaarka ah iyo tan guud ee shaqada ay Qaranka u hayaanba, waxaanay ku ammaaneen sida hufan ee ay u gudanayaan waajibkooda shaqo.

Ugu dambayn guddigu waxay kula dardaarmeen masuuliyiinta wasaaradda iyo hay’addaba sidii shaqada qaranka loo hayo loogu hagar bixi lahaa, isla markaana aad looga feejignaan lahaa wax walba oo khatar gelin kara badqabka hawada Soomaaliya.

Related posts

Maamulka DF ee G/Gedo si kulul uga hadlay Wararka sheegaya in looga yeeray Muqdisho

Caydiid Ali

Somalia oo loogu deeqay $100 Milyan ka dib kulan dhexmaray Xassan Shiikh & Rishi Sunak

Caydiid Ali

Xiliga la magacaabayo RW cusub ee Itoobiya oo la shaaciyey & Rex Tillerson oo gaaray Addis ababa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---