Allbanaadir.com
NEWS

Baarlamanka Somalia oo ka dooday qodobo xasaasi ah oo ka tirsan dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga 4-aad kulankiisa 19-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ay goobjoog ahaayeen ku-xigeennada labada Aqal ee BJFS ayaa ajandaha waxaa uu ahaa sii wadida ka doodista soojeedimaha wax-ka-beddelka Dastuurka, Cutubka 2-aad Xuquuqda Asaasiga ah iyo Waajibaadka Muwaadinka Soomaaliyeed, Qodobada 20-aad ilaa 31-aad.

Xildhibaannada Labada Aqal ayaa ka dooday cutubka labaad ee dib u eegista Dastuurka, waxaana looga hadlay, caqabadaha shaqaalaha, qofka muwaadinka ah inuu shaqo ku helo dalka si cadaalad ah, dadka baahiyaha gaarka ah qabo in goobta shaqada ka helaan sinaan iyo Ixtiraam, in qofka muwaadin ah uu xaq u leeyahay inuu ku noolaado bii’ad nadiif ah iyo xuquuqda caruurta.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo soo gunnaanaday fadhiga maanta ayaa sheegay in maalinta Sabtida ah la isku soo laaban doono, si loo sii wado dooda cutubka labaad.

Related posts

Xildhibaanad ka tirsan Baarlamanka Dowlad degaanka Soomaalida oo Jigjiga lagu dilay

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo ansixiyey Miisaaniyada 2025

Caydiid Ali

Qaybta 1aad :-Maxaa kala qabsaday Nebi IBAARHIM CS iyo Qoomkii awooda badnaa ee loo diray?

admin
Taboola Ads ---